​Barlamanka Somalia oo qodobo ka doodaya

Image

MUQDISHU, Somalia- Mudanayaasha Barlamanka Somalia ee waqtigu ka dhammaanayo ayaa maanta yeeshay kulankooodii ugu horrayay, waxayna uga doodayaan qodobo dhawr ah oo ku jiro dastuurka.

Sida uu sheegay mudane katirsan aqalka golaha shacabka, waxaa kulankan looga hadli doonayaa ajandayaasha qabyada ah ee loo gudbin doono Barlamanka 10-aad ee badali doona kuwa haatan jooga.

"Ajandaha kulanka maanta waa warbixin looga dhageysanayo Guddiga dastuurka iyo in Xildhibaanada ay ansixiyaan qaraar ku saabsan dastuurka oo loo gudbin doono baarlamaanka 10aad ee la dhisi doono,"Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar oo la hadlayay warbaahinta gudaha.

Waxaa sidoo kale isu imaatinkan warbixin looga dhagaysan doonaan Guddiga Barlamanka u qaabilsan Dastuurka.

Kulankan ayaa kusoo beegmay xilli muddo 50 casho ah loogu daray mudda xileedka Barlamanka haatan jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM