Barlamanka DF: Barlamanka Jubaland waa sharci daro

Image

June 6, 2015 (GO)- Xildhibaannada baarlammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey mooshinkii laga keenay baarlammaanka Jubaland.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 142 xildhibaan ayaa 132 kamid ahi u codoyeen in la ansixiyo halka afar xildhibaan diiddey lix kalena ka aamuseen.

Xildhibaannadii kasoo horjeedey mooshinka ayaa buuq sameeyey iyagoo markii dambena isaga baxay hoolka.

Mooshinkan oo ah kii ugu horreeyey noociisa waxay xildhibaannada soo gudbiyey dalbanayaan in dib u eegis lagu sameeyo qaabka lagu soo xulay baarlamaanka Jubaland oo sida ay ku doodayaan ah mid aan waafaqsaneyn dastuurka federaalka.  

Jubaland ayaa horey u sheegtay inay ka fiirsan doonto xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka haddii aan la joojin mooshinka laga keenay barlammaankeeda. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM