"Barta madow" ee halista ku ah doorashada madaxweynaha

Image
Xiisadda Xildhibaanadda Garbahaarey iyo Ceelwaaq ayaa u muuqata mid aan wali xal loo helin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Sabti ah buuq iyo fowdo ka dhacay Aqalka Hoose ee Soomaaliya kadib markii tiro xildhibaanno ah ay ka gadoodeen markii ay soo galeen mudaneyaasha cusub ee Ceel-waaq iyo Garbahaarey, taasoo keentay in si KMG ah u istaago, iyadoo hoggaanka Golaha uu soo celiyay nidaamka.

Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa horaantii todobaadkan u doortay Aadan Sheekh Madoobe guddoomiye cusub, taasoo si hufan ugu gogol xaareysay doorashada madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu difaacdo kursigiisa kadib markii ay soo idlaatay doorashada hoggaanka Aqalka Sare.

Xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-Waaq iyo Garbahaarey ayaa waxaa ka taagan xiisad aad u badan, iyadoo Villa Somalia ay ka soo horjeedo. Laakiin inkasta oo loo doortay baarlamaanka, xildhibaanada looma ogolaan inay ka qaybqaataan doorashada hogaanka Aqalka.

Mid ka mid ah muuqaallada ku wareegaya baraha bulshada ayaa muujiyey haweeney xildhibaan oo cambaareyneysa joogitaanka asxaabteeda cusub, iyadoo ku tilmaantay kuwo khatar ah.

Ma cadda cidda uu xildhibaanku taageersan yahay Villa Somalia iyo haddii ay tahay mucaaradka Somalia. Doodda Xildhibaanadda Garbahaarey iyo Ceelwaaq waxay halis ku tahay coddeynta madaxweynaha.

"Ma haysano badbaado, waxaa aqalka la keenay dad [Xildhibaannada Garbahaarey] ah oo aan haysan wax aqoonsi ah," ayay tiri haweeneyda xildhibaanka ah, iyadoo ku eedeysay hoggaanka Golaha inay u ogolaadeen xildhibaannada inay galaan xarunta Villa Hargeysa.

Goor sii horeysay, guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Aadan Sheekh Madoobe, ayaa sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono dhammaan xildhibaanada Golaha Shacabka, iyadoo aan loo eegin siyaasad ahaan.

"Anigu xisbi gaar ah kamid maahi, maanta laga bilaabo waxaan xooga saari doonaa in arrimaha yar yar aan si cadaalad ah ku xaliyo," ayuu hoosta ka xariiqay Aadan Madoobe.

Xildhibaanada ayaa ku adkeysanaya in si sharci ah ay ku galeen xarumahaasi, iyaga oo intaa ku daray in sabab la’aan lagu heyb sooco. Madaxweynaha xilka ka degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku kala aragti duwanaaday madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe doorashada xildhibaanada gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM