Bayaanka IGAD oo ka aamusay xiisada Soomaaliya iyo Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadoo la filayay in qadiyadda ay si weyn uga dhex muuqan doonto wadahadalka, urur goboleedka IGAD ayaa war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii madaxda dalalka xubnaha ka ah ku yeesheen Jabuuti kaga gaabsaday inuu soo hadal qaado xiisadaha diblumaasiyadeed ee ka dhex-aloolsan dallaka Soomaaliya iyo Kenya.

War murtiyeedkan la soo saaray Isniinta maanta ayaa kaliya waxaa looga hadlay Doorashooyinka iyo Amniga Soomaaliya, balse wuxuu ka fogeeyay dhibaatadda ka dhex-taala Nairobi iyo Muqdisho.

Bayaanka oo u muuqda mid kasoo baxay wadahadalo qoto-dheer oo hogaamiyeyaashu yeesheen ayaa sidoo kale waxaa lagu xaqiijiyay faragalinta Dowlada Itoobiya ee gobolka Tigray.

Soomaaliya ayaa usbuucii la soo dhaafay waxay sheegtey in ay warqad u gudbisay madaxweynaha Suudaan, Cabdalla Hamdok, oo ah shir-guddoonka ururkan ay xubinta ka yihiin sideedda dowladood.

Warqadda oo timid kadib talaabooyin isdaba joog ah oo Soomaaliya ay ka qaaday Kenya oo ay ku eedeysay "faragelin arrimaha gudaha iyo ku xadgudubka madax-banaanida waddanka si joogto ah".

Inkasta oo tafaasiisha saxda ah aan wali la helin, haddana in bayaanka IGAD uu ka aamusay xurgufta Muqdisho iyo Nairobi ayaa loo fasiran karaa in kulankii shalay Jabuuti ku dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta ayna goobjoog ka ahaayeen madaxda Itoobiya iyo Jabuuti ay ku gaareen wada-ogol la xiriira is-mari-waaga dhexyaala.

Telefishinka Al Jazeera qeybtiisa Carabiga ayaa shalay wuxuu baahiyey in Farmaajo iyo Kenyatta ay isla-qaateen soo celinta xiriirka labada dhinac iyo joojinta eedeymaha si lamid ah hadaladda xanafta leh ee la isku mariyo warbaahinta iyo baraha bulshadda.

Illo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa u sheegay Garowe Online in go'aanka uu Farmaajo xiriirka ugu gooyey Kenya uu ku yimid dalab kaga yimid Abiy Axmed oo rabay in ajendaha shir-madaxeedka IGAD laga weeciyo colaadda gobolka Tigray oo ay ka jirto dhibaatooyin bini'aadanimo.

Tani ayaa la macno ah in madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku shaqeynayo tilmaamaha qaar kamid ah madaxda dalal deriska taasoo "aflagaado ku ah" waajibaadka Qaran, waxaana murashaxiinta madax-tinimada ay horey uga digeen in uu ololaha doorashada ku galo siyaasadda arrimaha dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM