BAYDHABO: Mukhtaar Roobow oo booqday Saldhigyo Ciidan

Image

BAYDHABO, Soomaaliya- Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansoor oo kasoo mid noqday saraakiisha sar sare ee ururka Al Shabaab dhawaana isu dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa booqday saldhigyo ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wadaadkan oo dhawaan tagay gobolka Bakool maalmo kahorna lagusoo dhaweeyay xarunta gobolka Baay, ayaa la sheegay inuu tagay dhowr saldhig kuwaasoo uu codsaday in la geeyo.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuuradiin Gacma, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Mukhtaar uu booqday saldhigyo ciidan, inkastoo uu ka cudur daartay inuu magacaabo goobaha ay yihiin iyo meesha ay ku yaallaan, hadana wuxuu ballan qaaday in dowladda Soomaaliya dhawaan faah faahin ka bixin doonto socdaalka Sheekhan iyo meelaha uu tagay.

Ninkan oo taageero ka haysta shacabka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ka leedahay ajande ah inay ku jihayso ururkii uu horay uga tirsanaa ee Al Shabaab.

Lama oga qaabka uu u marayo, balse Roobow waxaa ka amar qaata Mallayshiyaad kasoo jeeda Beeshiisa kuwaasoo ku sugan gobolka Bakool, waxaana wararka qaar sheegayaan in dowladda Koonfur Galbeed, shacabka iyo xukuumadda Soomaaliya waydiistay sidii loo taageeri lahaa si ay ula dagaallamaan ururka Al Shabaab.

Mukhtaar oo noqday ku-xigeenka Hogaamiyaha Al Shabaab, ayaa ururkan ka goostay 2013, isagoo wixii intaas ka dambeeyay ku dhuumaalaysanayay gobollada Baay iyo Bakool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM