Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Image

BAYDHABO – Xaaladda maamulka Koonfur Galbeed ayaa gashay marxalad aad u xasaasi ah oo isugu jirta khilaaf siyaasadeed iyo gacan-ka-hadal, ka dib markii duleedka magaalada Baydhabo lagu dilay labo ka mid ah taliyeyaasha ugu sarreeya Ciidanka Qaranka Soomaaliya ee aaggaas ku sugnaa.

Weerar jid-gal ah oo ka dhacay meel ka baxsan magaalada ayaa lagu kharijiyey Korneyl Yoonis Aadan oo ahaa Taliyaha Guutada 8-aad iyo Korneyl Cali Yoonis oo ahaa Taliyaha Guutada 9-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Qaranka. In kasta oo saraakiisha dowladda dusha u saareen mas'uuliyadda weerarka kooxda Al-Shabaab, haddana kooxdu weli wax bayaan ah kama soo saarin falkan.

Geerida taliyeyaashan ayaa abuurtay tuhunno iyo hadal-hayn badan, maadaama uu weerarku ku soo aaday saacado yar ka dib markii ciidamo daacad u ah Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ay sheegteen inay hawlgal ciidan ka fuliyeen isla aagga uu weerarku ka dhacay.

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed, ka dib markii guddiga doorashada ay shaaciyeen in xisbiga JSP ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu ku guuleystay doorashada.

Musharixiinta mucaaradka, oo ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ilyaas Cali Nuur, ayaa si cad u qaaddacay natiijada, iyagoo sheegay in doorashada lagu shubtay, dowladda federaalkuna ay xoog ku maronuratay hannaanka codbixinta.

Waqtigan xaadirka ah, jawiga magaalada Baydhabo waa mid dagan balse laga dareemayo saan-saan colaadeed, iyadoo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa daacadda u ah maamulkii hore ay isku horfadhiyaan qaybo ka mid ah magaalada iyo duleedkeeda, taas oo maamulka Koonfur Galbeed u horseeday marxalad cusub oo hubanti la'aan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo ku eedeeyay Sheekh Shariif iyo Khayre inay abaabuleen afgambi ka dhan ah Xasan Sheekh

Fiqi ayaa sidoo kale ku andacooday in mucaaradku ay abaabuleen maleeshiyaad si weyn u hubeysan iyagoo ku gambanaya banaanbax nabadeed.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 07:24AM

Barakac Ka Billowday Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Muqdisho Xilli Xiisadda Sii Kordhayso

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama hoggaanka mucaaradka oo ku saabsan barakaca la soo sheegayo.

  • Soomaliya

    03-06-2026

  • 09:27AM