Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Image

Baydhabo — Magaalada Baydhabo ayaa sugeysa saacadaha soo socda sida xogaha lagu helayo weerar kaga yimaada ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku hubeysan hubkii magaca Soomaaliyeed lagu heley, ciidankaan ayaa la sheegey iney ku sugan yihiin duleedka magaalo madaxda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. 

Wararka laga helayo goobta ayaa tilmaamaya in laba ciidan oo Soomaali ah isku isku jiraan masaafo yar hareeraha magaalada — Xiisaddan ayaa si gaar ah u taabanaysa shacabka, kuwaas oo muddo dheer ka sugayay dowladda dhexe inay ka xoreyso deegaanadooda kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab, balse hadda wajahaya cabsi dagaal u dhexeeysa ciidamadii dowlada Soomaaliyeed. .

Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan duleedka Baydhabo ayaa la sheegay inay wataan hub culus iyo qalab milatari oo ay hore u siiyeen beesha caalamka si loogu adeegsado dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaa sidoo kale la arkayaa diyaarado qumaatiga u kaca.

Tani waxay dhalisay su’aalo la xiriira jihada istaraatiijiyadda amniga ee dowladda Federaalka, gaar ahaan marka la eego in qalabkii loogu talagalay dagaalka argagixisada loo adeegsanayo khilaaf siyaasadeed ee gudaha dalka.

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada ka taagan dalka Soomaaliya. Markii ugu dambeysay ee ciidamo Soomaaliyeed si toos ah ugu dhaqaaqaan magaalo Soomaaliyeed, waa dhacdooyinkii Hargeysa, waxay reebeen raad dheer oo ku saabsan burbur, barakac iyo kala qeybsanaan siyaasadeed oo weli saameyn ku leh dalka.

Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa u sheegey Garowe Online in waddamada Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay si cad uga digeen Madaxweynaha dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu galo dagaal noocan ah. Waddamadan ayaa ka cabsi qaba in tallaabadan ay horseedi karto dagaal sokeeye oo ballaaran iyo xaalad bini’aadannimo oo sii xumaata.

Eedeymo culus ayaa sidoo kale ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay heshiis qarsoodi ah la gashay Al-Shabaab. Eedeyntan ayaa salka ku haysa kadib markii ciidamada dowladda ay soo mareen deegaano ay kooxdaasi maamusho, iyagoo aan la kulmin iska caabin muuqata.

Masaafo ahaan, Baydhabo waxay qiyaastii 250 ilaa 260 kiiloomitir u jirtaa Muqdisho, iyadoo waddada isku xirta labada magaalo ay muddo dheer ahayd mid ay ka Talyaani Kooxda Al shabaab taasoo beesha caalamka ku bixiyeen aduun farabadan sidii degaanadaas looga xoreyn lahaa kooxdaas. 

Sidoo kale, warar kale oo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in dowladda Mareykanka ay hakisay bixinta qalab dayactir oo loogu talagalay ciidanka Danab, halka ay xiriir la sameysay dowladda Turkiga, iyadoo walaac laga muujiyay in ciidanka Gorgor — oo Turkigu tababaray — ay qeyb ka yihiin dagaalkan la sheegayo inuu gudaha ka qarxayo.

Habeenkan, Baydhabo ma aha oo kaliya magaalo sugaysa weerar; waa meel ka tarjumaysa jihada adag ee siyaasadda Soomaaliya, halkaas oo xariiqda u dhexeysa dagaalka argagixisada iyo khilaafka siyaasadeed ee dalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM