​BAYDHABO: Sheekh Aadan Madoobe oo markale Xildhibaan noqday

Image

BAYDHOBO, Somalia- Xildhibaanka uu waqtiga ka dhamaadey, Afhayeenkii hore ee Baarlamaankii KMG  Somalia Sheekh Aadan Madoobe, ayaa kusoo baxay doorashada aqalka hoose ee maanta ka dhacday Baydhobo.

Musharax lagu magacaabo Faadumo Maxa'ed, ayaa la tartantay Sheekh Aadan Madoobe waxaana ay ku hartay Wareegga 2-aad ee codbixinta Doorashada Aqalka hoose ee magaalada Baydhabo.

Sheekh Aadan Madoobe, oo Afhayeen ka noqday Baarlamaankii KMG ahaa 2007, ayaa helay 49 Cod, waxaana Guushaasi u horseeday inuu markale noqdo Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan kale oo lagu magacaabo Xasan Cusmaan Xuseen, oo isna kamid ahaa Baarlamaanka uu Waqtiga ka dhamaaday ee Somalia, ayaa kusoo baxay Doorashadii ka dhacday Baydhobo.

Maamulka Koonfur Galbeed oo helay 69 Kursi oo uga mid noqon doono Baarlamaanka, ayaa ilaa hadda waxay dooratay 58 Xildhibaan, oo 11 kamid ah yihiin Haween tan iyo markii Doorashada billaabatay.

Dhanka magaalada Jowhar waxaa lagu qabtay Doorasho, taasi oo ay ku guulaysteen afar Xildhibaan oo kala ah Maryan Ahmed Harun, Mohamud Abdulahi Ahmed iyo Abdirazak Ahmed Mohamed.

Maryan Ahmed Harun waa Gabadha 5-aad oo Xildhibaan noqoto Kuraasta 11-ka ah ee uu maamulka Hir-Shabeelle u asteeyay Haweenka ee qaybta ka noqonaya qoondada dumarka 30% ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM