​BAYDHABO: Watiin oo isku day dil ka bad-baaday

Image

BAYDHABO, Somalia- Gudoomiyaha maamulka degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin, ayaa si dirqi ah ug bad-baaday isku-day dil, kadib markii Gaari uu watay Qarax miino lagula eegtay duleedka magaalada Baydhabo.

Gaari Gudoomiyaha ayaa waxaa lagu weeraray inta u dhaxayso deegaanka Awdiinle iyo magaalada Baydhabo, waxaana Al Shabaab ay sheegtay in weerarkaasi oo qarax ahaa ay ku dhmatay 5 Askari oo ilaaladiisa kamid ahaa.

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta magaalada Baydhabo, ayaa tilmaamay in uu ka badbaaday qaraxa, balse qaar katirsan askartii la socotay ay ku dhaawacmeen, waxaana uu beeniyay in uuu jiro khasaaro dhimasho ah.

"Anigaa kasoo tagay Deynuunay, kuna soo jeedo Baydhobo, ayaa waxaa Qarax la igula eegtay meel ku dhaw deegaanka Awdiinle, waan ka badbaaday isku0daygaasi la doonayay in la igu dilo," Ayuu yiri Gudoomiye Cabdullaahi Cali Watiin.

Watiin, ayaa xusay in miinada ay qaraxday markii uu gudbay baabuurkiisa, balse Gaari ciidankiisa ay saarnaayeen weerarku la kulmay kadibna ay ku dhaawacmeen saddex askari.

Kooxda Al shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah, oo isagu jiro Dagaal Toos ah iyo mid qaraxyada dhulka lagu aasay isugu jira la beegsata Baabuurta Mas'uuliyiitinta degmadooyinka iyo ciidanka gobolka Baay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM