Beesha Caalamka oo baaq cusub u dirtay hogaanka Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibadda Caalamka ee Soomaaliya oo maanta war-saxaafadeed cusub kasoo saarey khilaafka doorashooyinka Soomaaliya ayaa baaq u diray dhinacyada muranka u dhaxeeyo.

Warka qoraalka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyay isu-soo-dhowaanshiyaha Xukuumadda Waqtiga Ka Dhamaadey iyo Musharaxiinta.

"Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha," ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidda ku xusan qoraalka oo lagu daabacay mareega howlgalka UN-ka ee Soomaaliya, daneeyeyaasha caalamiga ah ayaa ku boorinaya xukuumadda iyo musharaxiinta in ay sii wadaan wadaxaajoodyada.

"Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh," ayaa la raaicyey.

Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa ugu yeertay madaxda dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadda in ay isugu yimaadaan shir-madaxeedka la qorsheeyay in uu qabsoomo maalmaha soo aadan.

"Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe," ayay raaciyeen.

Shirkaan waxaa iclaamiyey madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo kaasoo sheegay in lagu dhameystirayo soojeedinta guddiga farsamadda ee ku saabsanaa qodobada kasoo laabtey heshiiska 17-kii September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM