Beesha Caalamka oo baaq cusub u dirtay madaxda Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo Khamiista maanta ah soo saartay war-saxaafadeed cusub soo saartey ayaa soo dhaweysay heshiiska ay Muqdisho ku kala saxiixdeen hogaamiyeyaasha Soomaalida.

Bayaankan oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa sidoo kale waxaa loogu baaqay hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay sii wadaan dardargelinta howlaha dhameystirka qabsoomida doorashooyinka.

"Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan shirweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya – Dowlada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DFS-DXDF) ee guusha ku soo idlaaday magaalada Muqdisho," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble bogaadinaynaa sida uu u hogaamiyay geeddi-socodkan, iyo sidoo kale Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiinta kale ee sida habsanida leh ee wax ku oolka ah uga qaybqaatay wadahadallada. Waxaan Mahad u soo jeedinaynaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ oo ku baaqay 1dii bishan Maajo in lagu laabto hanaanka doorashada 17 Sebtembar ee heshiiska ku saleysan".

"Waxaan hadda ugu baaqaynaa dhammaan saamilleyda inay si degdeg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhanyahay oo daahfuran oo dib u dhac la’aan ah," ayay tibaaxeen.

Diblumaasiyiinta ayaa xusay: "Waxaan madaxda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay wadahadal caadi ah oo dhexmara saxiixayaasha Heshiiskii 17kii Sebtembar ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee mustaqbalka yimaada".

"Saaxiibada Beesha Caalamku waxay diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah oo lagu daabacay barta internet-ka ee UN-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM