Beesha caalamka oo baaq digniin ah u dirtey madaxda madasha Qaranka

Image

MUQDISHO, Somalia- Qoraal kasoo baxay xubnaha beesha calaamka oo ay hogaamineyso Qaramada Midoobey ayaa  waxaa lagu sheegey in si  toos ah isha ugu hayaan shaqada guddiga khilafaadka doorashada taasoo ah iney talaabada ku haboon ka qaadaan cabashooyinkii ka imaanaya isdaba marinta, musuqmaasuqa iyo in xoog lagu muquuniyey qaar ka tirsan kuraasta xubnihii u tartamayey aqalka hoose ee Barlamanka Somalia.

Warkaan kasoo baxay xubnaha beesha caalamka ayaa guddiga khilafaadka doorashooyinka Somalia looga dalbadey iney cadeeyaan sababta 24 kursi oo dacwadu ka tagneyd ay ugu soo koobeen 11 kursi iyadoo sidoo kale la waydiisatey iney soo bandhigaan dariiqa ay u mareen kala saarida kuraastaan.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa beesha caalamka kaga dalbatey madaxda madasha Qaranka In muhiimada ugu sareysa siiyaan culeyska ay leeyihiin cabashooyinkaan kuwasoo shaki galinaya sharciyada madaxda dowlada cusub ee la dooran doono iyadoo khilaafyadaan taagan yihiin sidoo kale waxay ka digeen in dhaawac ku imaan karot xiriirka u dhexeeya madaxda madasha iyo wadamada sida tooska u khuseyso arimaha Somalia.

"Madaxda madasha Qaranka waa in sida ugu degdeg badan go'aan uga garaan kuraasta la isku haysto taasoo laga rabo iney ku qancaan shacabka Somaliyeed iyo beesha caalamka" sidaas waxaa sheegey is wakiilka Xoghayaha Qarmada midoobey Michael Keating.

Ugu dambeyntii qoraalkaan ayaa lagu soo gabagabeeyey in isku day walba oo lagu qarinayo musuqmaasuqa lagu sameeyey doorashada kuraasta muranku ka taagan yahay ay fursad siineyso kooxaha argagixisada ah iyo kuwa diidan in dalka Somalia ka dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo natiijada kasoo baxda.

Halkaan ka akhri war-murtiyeedka beesha caalamka 

NB: Warsaxafadeedka beesha caalamka ayaa yimid xilli ay soo baxeen warar sheegaya in madaxda madasha Qaranka laaleen dhamaan wixii khilafaad ahaa ee ka taagnaa kuraasta lagu soo koobey 11 xubnood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM