Beesha Caalamka oo baaq kasoo saartay shirka Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa si rasmi ah waxay u soo dhaweeyeen shirkii wadatashiga ee uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo in uu ka dhacayo Dhuusamareeb.

"Saaxiibada beesha caalamka waxay soo dhaweynayaan ku-dhawaaqista 30-kii Janaayo uu Madaxweynaha Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ku dhawaaqay in uu shir wadatashi ah la yeelan doono madaxda Dowlad Goboleedyada, shirkaas oo lagu qaban doono magaalada Dhusamareeb inta u dhexeysa 1da ilaa 3da Febraayo. Waxaan bogaadinaynaa hogaamintiisa ku aaddan qabashada shirkaan," ayay ku sheegeen qoraal wadajir ah.

Shirkaas ayaa inta u dhaxeysa 1-da Febraayo illaa 3-da Febraayo wuxuu ku qabsoomayaa magaala madaxda Galmudug, iyadda oo ajandaha uu yahay is-mari-waaga doorashooyinka.

Sidda ku xusan qoraalka diblumaasiyiinta caalamiga ah, madaxda Soomaalida ee ka qeybgaleysa shirkaas waa in ay gunta dhiisha isaga dhgaan sidii loo dhameyn lahaa qodobadda la isku hayo.

"Waxaan ugu baaqeynaa ka-qeybgalayaasha inay si firfircoon oo daacadnimo ku dheehantahay uga qaybqaataan madashaas, si xal loo helo iyadoo loo marayo isu tanaasul cadaalad ku dhisan oo loo sameeyo danta qaranka, laguna heshiiyo hirgelimta hanaankii 17kii Sebtembar ee dardargelinta qabashada doorashooyin ka dhaca Soomaaliya oo dhan," ayay ku dareen.

Dhinacyadda bayaanka soo saarey ayaa kala ah; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta, Holand, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Shirka ku qabsoomaya Dhuusamareeb ayaa ku yimid dedaalo ay sameeyeen saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya maadaama Villa Soomaaliya ay si weyn uga soo horjeeda wadahadalo laga galo muranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM