Beesha Caalamka oo ka hadashay shirka dib u heshiisiinta Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada Soomaaliya oo Sabtida maanta ah war kasoo saarey shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxay shaaciyeen in ay soo dhaweynayaan.

Shirkan oo habeenimadii Khamiista ka furmay magaaladda Dhuusamareeb ayaa wuxuu u dhaxeeyaa bulshooyinka ku midoobay dhismaha dowlad goboleedkaasi.

Bayaanka Beesha Caalamka uu nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxaa lagu dalbadey in shirka uu noqon mid loo dhan yahay, oo horseeda doorasho xor ah.

Doorashadda oo murashaxiin kala duwan ay u taagan yihiin ayaa waxaa lagu wadaa in ay qabsoonto kadib shirkaas wallow uu ka horeyn doono kulan kale oo awood-qeybsi ah.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan ra'iisul wasaaraha, Xasan Cali Khayre ayaa waxay ku bogaadiyeen dedaalada ay ku bixinayaa "dhismaha Galmudug oo ah".

"Waxaan soo dhaweynaynaa heshiiska ay gaareen ergada timid Dhuusomareeb kadib wada hadalkoodii Hobyo," ayey hadalkooda ku dareen Beesha Caalamka.

Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa la filayaa in uu qaato maalmo kadibna laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobada la isku raacay.

"Waxaan rajeynayaa in shirkaasi uu noqdo mid miro dhal ah, wuxuuna shirka muhiim u yahay dhismaha Galmudug oo mid ah," ayey hadalkooda kusoo gaba gabeeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM