Beesha Caalamka oo bogaadisay shirarka madaxda Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo ka hadashay shirarkii ugu dambeeyay ee madaxda Soomaalida ku dhexmaray Muqdisho ayaa waxay bogaadisay qabsoomida kulamadaas natiijo la'aanta kusoo idlaadey.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan in madaxda u balantay inay sii wadaan wadaxaajoodyadda horudhaca ah.

"Bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay boorriyeen joogitaanka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirarkii horu-dhaca ahaa ee albaabadu u xirnaayeen ee wadatashiga, kaas oo Muqdisho ka dhacay 3-4-tii Abriil," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa waxaa la raaciyey: Waxaan fahansannahay in madaxdu ay qorsheynayaan in ay sii wadaan wadahadalkooda, waxaan ku boorrineynaa in ay heshiis ku gaaraan wadahadalladan muhiimka ah".

Kulamadan oo saaxiibada caalamka ay soo agaasimeen ayaa ka dhacay xerada ciidamadda cirka ee Afasiyooni, waxaana hogaamiyeyaasha ay diiradda saarayeen in ay ka heshiiyaan ajandaha shirka loo-dhan-yahay.

Wadaxaajoodyadda ayaa la hakiyey Isniinta maanta ah. Balse, waxay isugu soo laaban doonan Talaadada berri ah. Madaxweynaha Galmduug ayaa maanta u baxay Dhuusamareeb, isagoo soo laaban doona galabta.

Safarka Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa salka ku haya sidii uu u soo cusbooneysiisan lahaa mudada dastuurka Galmudug u ogolaanayo in uu degaanada Galmudug ka maqnaado oo ah muddo afartan iyo shan casho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM