Beesha Caalamka oo caddeysay mowqifkeeda shirka Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo Khamiista maanta ah soo saarey war-saxaafadeed shirka soo aadan ee dowladda federaalka iyo maamulada ku sifeysay "fursad muhiim ah".
Daneeyeyaasha oo si weyn u taageeray wadahadalada loo balansanaa bilowgooda Khamiista maanta ah ayaa adkeeyay in ay "waajib tahay" in looga faa'iideeyo amniga iyo nabada Soomaaliya.
Hogaanka federaalka ee xilheyntooda dastuuriga ah ay dhamaatay 8-dii bishii Febraayo, 2021 ayay cod dheer ugu booriyeen in ay uga qeybgalaan wadaxaajoodyadda "si shuruud la'aan ah".
Si lamid ah, dhinacyada - madaxda dowlada iyo maamulada - ayay ku waaniyeen in ay u tanaasulaan "in si deg-deg ah isugu raacaan nooc doorasho oo ku saleysan heshiiska 17-kii September".
"Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka.
Bayaanka ayaa la raaciyey: "Waxaan ku bogaadinaynaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shirkan waxaana rajeynaynaa in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada".
"Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka dhammaan madaxda DGXDF ee ka-qaybgalka shir-madaxeedka si shuruud la’aan ah," ayaa lagu xusay war-saxaafadeedkan uu arkay Garowe Online.
Qoraalka ayaa lagu soo xiray: "Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan madaxda DFS iyo DGXDF inay sameyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis dhakhso leh loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17kii Sebtember".
Dhinacyada war-saxaafadeedka saxiixay ayaa kala ah; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.
Mowqifka Beesha Caalamka ee kulankan ayaa kusoo hagaagay xilli uu shirka dib-u-uga dhacay waqtigii lagu balansanaa lana filayo in ugu yaraan bilowga todobaadka nagu soo aadan uu bilowdo.
GAROWE ONLINE