Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda
Muqdisho – Qaar ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa muujiyay walaac isa soo taraya oo ku saabsan ismari-waaga siyaasadeed ee muddada dheer ka taagan dalka, iyadoo ilo diblomaasiyadeed ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu wargeliyay inay gaarto heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay ka hor dhammaadka bisha August 2026.
Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, ka hor inta aan loo gudbin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in digniintan ay ka tarjumeyso walaaca ay qaar ka mid ah saaxiibbada caalamiga ahi ka qabaan in khilaafka siyaasadeed ee sii socda uu wiiqi karo dadaallada lagu dhisayo dowladnimada, dib-u-habaynta hay’adaha dowladda iyo horumarinta amniga.
Sida ay xogtu tilmaamayso, farriinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dib loo qiimeyn karo taageerada horumarineed, maalgelinta mashaariicda iyo iskaashiga siyaasadeed haddii hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay ku guuldareystaan inay toddobaadyada soo socda gaaraan heshiis siyaasadeed oo dhameystiran.
Waxaa intaas dheer, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in heerka xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah dib loo eegi karo haddii ismari-waaga siyaasadeed uu sii socdo.
Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahaysay khilaafyo siyaasadeed oo la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Khilaafaadkan ayaa dib u dhigay dadaalladii lagu gaari lahaa heshiis ku saabsan qaabka doorashooyinka iyo dib-u-habaynta hay’adaha dowladda.
Saaxiibbada caalamiga ah ayaa marar badan ku baaqay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal, iyagoo ku adkeeyay in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay uu muhiim u yahay xasilloonida dalka iyo sii socoshada taageerada caalamiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo digniinta la sheegay ay muujineyso in dib loo qiimeyn karo taageerada dibadda, illaa hadda lama shaacin go’aan rasmi ah oo lagu joojinayo gargaarka ama lagu dhimayo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo deeq-bixiyeyaasheeda.
Khilaafka siyaasadeed ayaa sii xoogaystay kaddib markii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu ku baaqay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo dhameystiran si loo dhiso Gole KMG ah oo loo dhan yahay, kaas oo kormeera geeddi-socodka dib-u-habeynta dastuurka iyo doorashooyinka ilaa laga soo dhisayo hay’ado qaran oo cusub si nabad ah.
Warqad furan oo uu goluhu soo saaray 27-kii Luulyo 2026 ayaa lagu sheegay in mudnaanta ugu weyn ee Soomaaliya ay tahay in la gaaro xal siyaasadeed oo soo celiya sharciyadda hay’adaha dowladda, dib u dhisa is-afgaradka qaran isla markaana ilaaliya dhexdhexaadnimada hay’adaha dowladda, oo ay ku jirto Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Warqadda ayaa loo diray madaxda dowladaha, wasiirrada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada ee dalalka ciidammada iyo booliiska ku leh Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka ayaa dhawaan dib u billaabay wadahadallada la xiriira arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo Turkigu fududeeyay.
GAROWE ONLINE