Beesha Caalamka oo ka hadashay fashilka shirkii Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa ka falceliyey burburka wadahadaladii Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda dowlada federaalka iyo maamulada.

Qoraal kasoo baxay diblumaasiyiinta xaruntoodu tahay Xalane ayaa lagu muujiyey in ay ka xun yihiin in shirka uusan kasoo bixin heshiis kama dambeys ah laguna xalin dhamaan qodobadii muranka ka taagnaa.

Balse, waxay sheegeen in ay soo dhaweynayaan dedaaladda haatan ay wadaan hogaamiyeyaasha Soomaalida ee ku aadan in waddanka si nabdoon looga bixiyo mar-xalada uu ku jiro ee kala guurka siyaasadeed.

"Saaxiibada beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro heshiis ku saabsan hirgelinta hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember," ayay sheegeen.

Bayaanka ayaa lagu daray: "Wadahadalladii lagu qabtay Dhuusa-mareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa. Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah".

"Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan," ayay caddeeyeen.

Dhanka kale, wakiilada deeq-bixiyeyaasha oo ka falceliyey hadaljeedintii madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ee Golaha Shacabka ayaa soo dhaweeyay rajada uu ka muujiyey in wadahadal kale dhaco.

"Waxaan si xiiso leh u dhageysanay hadal-jeedintii Madaxweynaha ee Golaha Shacabka 6dii Febraayo, waxaana si gaar hoosta uga xariiqnay sida uu u doonayo inuu sii wado wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, wadahadalladaas oo ujeedadoodu tahay in la isla garto wadiiqo lagu heshiiyey oo loo maro qabashada doorashooyinka. Waxaan si xoog leh u taageersannahay wadahadal dheeri ah oo ku qabsooma jawi deggan oo wax lagu dhisayo," ayay ku dareen.

War-saxaafadeedka uu nuqul kamid ah arkay Garowe Online ayaa lagu xusay: "Waxaan mar kale hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo aan ahayn kuwa la isku raacsanyahay, oo ay ku jiraan geeddi-socod barbar-socod ah ama doorashooyin dhinac keliya ah oo aan loo dhammayn, ama falal kale oo aan si ballaaran loogu wada heshiin, in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka".

"Waxaan ugu baaqeynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay ka amba-qaadaan dhinacyada wanaagsan ee doodda Dhuusamareeb, ayna sii wadaan wada-shaqeynta, si loogu heshiiyo hirgelinta doorashooyinka iyadoo la ilaalinayo danta qaranka," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Dhinacyada bayaankan soo saarey ayaa kala ah; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Indonesia, Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ruushka, Spain, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Farmaajo ayaa muddo xileedkiisa dastuuriga uu dhamaadey 8-da Febraayo taas oo la macno ah in uusan haysan sharciyad uu kusii ahaan karo madaxweynaha rasmiga ah uuna noqonayo sii-haaye madaxweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Itoobiya oo soo dhaweeyay heshiis lagu saxiixay Muqdisho

Ciidamada AUSSOM ee laga soo xulay Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Masar, iyo Uganda waxay ka kooban yihiin 11,900 askari.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 02:12PM

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo Daah-furtay Barnaamijka Taakuleynta Bisha Ramadan

Dr. Xabeeb ayaa ka mahadceliyay Deeqda ay soo gaarsiisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo sanad waliba marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 12:27PM