Beesha Caalamka oo ka hadashay go'aanada guddiga farsamada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiiladda Beesha Caalamka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay soo dhaweeyeen heshiiska guddiga farsamada ee ku shiray magaaladda Baydhabo.

Saaxiibada caalamka ayaa ayiday shirka ay soo jeediyeen guddiga xalinta khilaafka ka taagan doorashooyinka kaasoo ay u muddeeyeen 18-ka Fabraayo sanadkan 2020-21.

Guddiga farsamadda oo laba casho ku kulmay magaaladda caasimadda ku meelgaarka u ah Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa ka koobnaa min laba xubnood oo maamuladda.

Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale wuxuu laba xubnood ku leeyahay guddigan uu magacaabay Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda waqtiga ka dhamaadey, Maxamed Cabdullaahi Rooble.

"Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17-kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran," ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan baaqii Guddiga Farsamada ay ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada inay kulmaan 18-ka Febraayo, waxayna saaxiibadu ku boorinayaan madaxda inay sidaas sameeyaan si loo soo gabagabeeyo hawsha Guddiga, loona abaabulo doorashooyinka, taas oo ah arrin hortabin leh".

Dhawaqa diblumaasiyiinta caalamiga ah ayaa sidoo kale wuxuu kusoo hagaagaya xilli lagu waddo in Muqdisho uu Jimcada todobaadkan ku qabsoomo banaanbax ka dhan ah dowladda federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM