Beesha Caalamka oo ku riixeysa DF in ay bedesho guddiyada la isku hayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Beesha Caalamka ayaa kusoo biireysa cadaadiska madaxda dowladda waqtiga kasii dhacayo ee Soomaaliya lagu saarayo in ay xaliyaan tabashooyinka murashaxiinta, sidda ay sheegeen illo xog ogaal ah.

Sidda ay murashaxiin u sheegeen Garowe Online, diblumaasiyiinta ayaa balanqaadey in ay ku riixi doonan hogaanka dalka in ay meesha ka saaraan xubnaha ku jira guddiyadda doorashooyinka ee la duray dhexdhexaadnimadooda.

Daneeyeyaasha oo aalada fogaan aragga kaga qeybgalay maalintii afaraad ee shirka tartameyaasha coddeynta 2020-21 ayaa sidoo kale waxay adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in doorashadda ay ku qabsoonto qaab daahfuran.

Inkasta oo doorkooda u kala dab-qaadida uusan horeyn meesha uga marneyn, waxa culeyska kusii kordhinayo Villa Soomaaliya ayaa ah waqtiga uu gabaabsi ah iyo caddeymaha soo ifbaxaya ee taageeraya dooda murashaxiinta.

Xubnaha su'aasha la geliyey dhexdhexaadnimadooda oo isugu jira saraakiil sirdoon iyo shaqaala dowladeed ayaa ka yimid dhanka Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle – saddexdan maamul waxay taabacsan yihiin Farmaajo.

Saaxiibadda Caalamka oo saameyn ku leh go'aanada masiiriga ah ee Soomaaliya ayaa bixiya dhaqaalaha lagu maalgelinayo doorashooyinka, waxaana faragelintooda ay mar walba noqon kartaa mid dhan u ridi kara is-qabqabsiga.

Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage oo horey ugu taliyey in la kala diro guddiyadda doorashooyinka ee magacaaban ayaa tibaaxay in hadii ay doorashada maamulaan uu dhici karo musuqmaasuq ka xoogan kii 2016-kii.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed horey uga soo baxay Beesha Caalamka, guddiyadda maamulaya coddeynta waa muhiim in ay wada ogol ku yimaadaan.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Isniintii ka shiray arrimaha Soomaaliya ayaa dhamaan ergooyinkii ka hadlay waxay adkeeyeen in doorashada soo aadan ay laga maar-maan tahay in ay waxyeelo u geysan xasiloonida dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM