Beesha Caalamka oo taageertay baaqii Puntland iyo Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo war-saxaafadeed soo saartey Jimcada maanta ah ayaa soo dhaweysay guddiyadii ay magacaabeen Puntland iyo Jubaland si lamid ah shirkii ay ku baaqeen.

"Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhoweynayaan magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27ka bisha Janaayo. Inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan waaxay gacan ka geysan kartaa abuuridda jawi degdeg loogu hirgeliyo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay," ayaa lagu yiri qoraalkan uu arkay Garowe Online.

Bayaanka ayaa lagu daray: "Saaxiibada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay".

Daneeyeyaasha arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa ku baaqay in laga fogaado qabashada doorasho hal dhinac ah. Fariinta waxay u muuqataa mid ku socota Villa Soomaaliya oo qorshahaas damacsan.

"Saaxiibadu waxay ku baaqayaan hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn – oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran," ayay hoosta ka xariiqeen.

Qoraalka ayaa tibaaxay: "In la qabto doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo lagu kalsoonaan karo waa arrin aad muhim ugu ah iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka. Saaxiibada beesha caalamku waxay ku boorinayaan dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay sameeyaan isu tanaasul gar ah oo lagama maarmaan u ah in la xaqiijiyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo".

Dhinacyadda qoraalkan soo saarey ayaa kala ah; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Inkasta oo ay durtay sharciyada guddiyadda ay shaaciyeen Puntland iyo Jubaland, dowladda Soomaliya oo wajaheysa eedeymo ku aadan in ay diidan tahay wadahadal ayaan wali ka jawaabin shir lasoo jeediyey

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM