Beesha Caalamka oo talaabooyin qaadey kadib hadalkii Deni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib hadalkii maanta kasoo yeeray madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, wakiilada Beesha Caalamka ayaa qaadey talaabooyinka dhanka ammaanka ah, sidda ay Garowe Online u sheegeen illo wareedyo loo qaateen ah kuwaasoo ku dhow dhinacyadda.

Ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay guud ahaan Teendhada Afasiyooni halkaasoo loo asteeyay goobta martigelineysa wadaxaajoodyadda xalka loogu goobayo is-mari-waaga ka taagan coddeynta heer federaal ee madaxtinimada iyo baarlamaanka.

Sidda ay caddeynayaan xogaha la helayo, diblumaasiyiinta ayaa ku wargeliyey madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo in uu kasoo qeybgalo shirka isla markaana uu yimaado goobta kulanka ka dhacayo iyaddoo ay kaliya wehliyaan ilaalo dharcad ah kuwaasoo saddex kaliya ah.

"Ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa loo sheegay in ay ammaankiisa mas'uul ka yihiin mudada uu goobta ku sugan yahay isla markaana ay galbin doonan," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Talaabooyinka waxaa soo dedejiyay dhawaqii maanta kasoo yeeray Deni kaasoo ku aadanaa in dowladda federaalka ah ay ciidamo ku hareereysan goobta ay ka degeen nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, talaabadaas oo u muuqata mid lagu carqaladeynayo furitaanka shirka.

Shirkaas ayaa qorshuhu yahay in uu furmo Isniinta berri ah, waxaana la filayaa in ay kasoo muuqdaan hogaamiyeyaasha Soomaalida, iyaddoo ajandaha uu yahay xal waara oo laga gaaro kala aragti-duwanaanta jirta.

Dhanka kale, warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha Muqdisho ay kasoo dageen diyaarado sidda ciidamo si gaar ah u tababaran oo Mareykan ah kuwaasoo ka qeyb-qaadan doona sugida ammaanka shirkan ka dhacaya Teendhada caanka ah ee Afasiyooni.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo qoraal ku daabacdey barta ay ku leedahay mareegaha Twitter-ka ayaa mar sii horeysay ee Axada maanta ah waxay ku tartarsiisay madaxda Soomaalida in ay kusii negaadaan Muqdisho inta ay heshiis kama dambeys ah ka gaaraan doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM