Beesha caalamka oo war kasoo saarey weerarkii Muqdisho, baaqna u diray DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Africa, Qaramada Midoobey, Midowga Africa iyo Turkiga ayaa si iskuma mid ah u cambaareeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho.

- Qaramada Midoobey -

Nicholas Haysom, Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, ayaa ku tilamaamey weerarka mid fuleynimo ah, oo lagu qaadey shacabka Soomaaliyeed, oo loogu tala-galay in laga hor-istaago xaqa ay u leeyihiin inay ku noolaadaan nabad iyo sharaf.

Haysom ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka inaysan waxba la harin dagaalka kooxaha argagaxisada ee mas'uulka ka ah qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof, oo Wariye Cawil Daahir uu ku jiray.

- Midowga Africa - 

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa AMISOM, Francisco Madeira ayaa isna cambaareeyay qaraxyada, isagoo sheegay inaysan waxba u dhimeynin horumarka dhanka amniga ee ka socda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in weerarka uu yahay mid arxandarro ah, oo dad shacab ah lagu laayay, isagoo tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay, islamarkaana caaafimaad u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay.

- Turkiga -

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa looga hadlay qaraxyadda ka dhacay Muqdisho, kuwasoo ay mas'uuliyadoodu sheegatay Kooxda Al Shabaab.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tacsi ay u dirayso dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, islamarkaana ay caafimaad deg deg ah u rajeynayso dadka dhaawacyada kasoo gaarey weerarka.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka saaxibadda dhaw la leh dowladda Federaalka, oo dhinacyada dhaqaale iyo ciidanka ka caawiya, iyadoo Muqdisho ka furtay sanadkii tagey saldhig military.

Si kastaba, cambaareynta ayaa ah mida ay ka siman yihiin dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM, iyagoo aan jirin qorshooyin amniga wax looga qabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM