Beesha Caalamka: Waa in mudnaan la siiyaa 3-dan qodob

Image
Daneeyeyaasha ayaa sidoo kale waxay baaq kasoo saareen doorashadda Aqalka Sarre. [File Photo: OPMSomalia]

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo si weyn u bogaadisay horumarada illaa hada laga sameeyay geedi-socodka doorashadda Soomaaliya ayaa waxay soo jeedisay saddex qodob oo u baahan in hor-tabin la sameeyo.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka, qodobadaas ayaa kala ah kuwa si deg-deg ah loogu baahan yahay in xal loogu helo isla markaana lagu daro arrimaha sida dhakhsaha loola tacaalayo.

Qodobadaas ayaa kala ah; in diyaar-garow dheeraad ah oo faahfaahsan loo galo amniga doorashada, in la kala caddeeyo tallaabooyinka lagu sugayo matalaadda haweenka ee Barlamaanka ee boqolkiiba 30, iyo xallinta muranka weli ka taagan guddiga maareynta doorashada.

Dhanka kale, hogaamiyeyaasha Soomaalida ayay ku booriyeen "inay si aan dib u dhac lahayn u abaabulaan doorashada Aqalka Sare, oo ahayd inay billaabato 25-ka Luulyo".

"Tusaalooyinka horumarka ah ee ugu dambeeyay waxaa ka mid ah: In la isla qaatay kal-tirsi doorasho oo la cusbooneysiiyay. Inta badan guddiyadii maamulka doorashada hadda waa la dhisay waxayna iska dhex doorteen madaxdooda. Guddigii la igmaday ee wasiirada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa wadatashiyo ku yeeshay magaalada Garbaharrey," ayay xuseen.

Bayaanka ayaa lagu daray: "Waxaa la qabtay shir hordhac ah ee Guddiga Amniga Doorashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay Guddi Danjireyaal Niyadsami (Goodwill Ambassadors) si kor loogu ololeeyo/hormariyo qoondada haweenka ee boqolkiiba30".

"Doorashada Aqalka Sare ayaa ka billaabatay Jubaland. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa qabtay shirar joogto ah iyo wadahadalo. Arrimahaaas dhamaantood waa guulo amaan mudan," ayay tibaaxeen.

Daneeyeyaasha ayaa kusoo xiray: "Waxaan ku baaqaynaa in shaqada harsan ee lagu soo gunaanadayo geeddi-socodka doorashada ay si dhakhso ah horey ugu socoto isla sidii wadar ogolka ahayd".

Diblumaasiyintan fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa muhiim u ah qabsoomida coddeynta gaar ahaan dhanka bixinta dhaqaalaha ku baxeysa oo kalkii hore ay ka caga-jiidayeen hase ahaatee ay aakhiritaankii qalinka ku duugeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM