Beyle oo Gollaha Shacabka horgeeyay Dakhli loo kordhiyey Ciidamada [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Isniinta maanta ah wuxuu hortegay xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Bayle ayaa mudanayaasha wuxuu fahfaahin uu ka siiyay Miinsaaniyadda dowladda ee sanadka 2018, taasi oo ay dood adag ka yeesheen Sharci-dejiyaasha xili ay kol hore sidaan oo kale uga munaaqishoodeen Xilldhibaanada.

Miinsaaniyadda dowladda 2018 ayaa ah 340 milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah, xili sanadkii hore ay aheyd 274, balse Wasiir Bayle oo Aqalka Hoose hortegay maanta wuxuu sheegay inay kusoo dareen 22 kale oo dheeri ah.

Isaga oo ku guda jira bidhaaminta Miinsaaniyadda ayuu Wasiir Bayle carabka ku dhuftay in 17 milyan oo Dollar oo kamid ah ay mushaar ahaan u qaadan doonan ciidamadda xooga dalka qaybihiisa kala duwan.

“Dalalkii mushaaraadka ciidamada naga bixin jiray way naga joojiyeen, markaa waxay noqotay inaan suuf iyo xanjo isku gubno, waxaan sameyn karno aan sameyno, oo aan wax uraadino, lacag dheeri ayaana kusoo korodhay, miisaaniayda” ayuu ku dooday.

Wasiirka Maaliyadda oo sii hadlaya ayaa daboolka ka qaaday in 500 kamid ah oo kamid ah Miinsaaniyadda ay ka tahay deeq ka timid Bankiga Aduunka, isaga oo xusay inay inahaani ay yihiin meelaha isbedalka lagu soo sameeyay.

Gabagabadii, Wasiir Bayle ayaa ka dalbaday Xilldhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya inay meel-mariyaan Miisaaniyada dowlada gaar ahaan labadda arrimood ee aan soo xusnay, halkaasi oo dib uceliyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM