BF oo ka doodaya sharci nin ajnabi madax ugu noqonayo Bangiga Dhexe

Image

MUQDISHO, Somalia - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Somalia ayaa ka doodaya wax ka bedelka Xeerka iyo hanaanka maamul ee Bangiga, si markii ugu horeysay qof ajnabi ah loogu magacaabo Gudoomiye.

Madaxda sare ee dowladda Federaalka ayaa isla meel dhigay in nin u dhashay Ingiriiska loo dhiibo xilka Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia, iyadoo booskan shaqo lagu xayeesiiyay August 2018 Wargeyska "The Economist".

Wasiiradda Xildhibaanada ah ayaa buux dhaafiyy Kulanka maanta ee Gollaha Shacabka, iyagoo awoodda isagu geynayo sidii uu ku meel-mari lahaa qorshaha Villa Somalia ee ninka ajnabiga ah loogu dhiibayo Bangiga Dhexe.

Xildhibaanno iyo siyaasiyiin badan ayaa dhaliilayay qorshaha Villa Somalia ee ninka Ajnabiga ah xilkan culus loogu aaminayo, waxayna sheegeen inay qalad tahay in iyadoo la heli karo dhaqaalyahan Soomaaliyeed, dibadda laga keeno qof ajnabi ah.

Xildhibaanada ayaa sidoo ka doodaya Sharciga Hantidhowrka Guud ee Qaranka.

Hindisaha xeerka maamulka Bankiga dhexe oo isna wax ka bedal lagu sameeyay ayaa cod-qaadidiisa waxay kusoo aadaysaa iyada oo ay taagan tahay muran ku aadan in loo magacaabayo Gudoomiye ajnabi ah.

Sharcidejiyaal kahor kulanka hadlay ayaa daboolka ka qaaday in qodobka sheegaya in qof aan Soomaali ahayn, Muslim-na ahayn uusan qaban karin xilkaan laga bedalay xeerka, iyaga oo ku eedeeyay xukuumadda.

"Xeerka maamulka Bankiga Dhexe wuu horyaalaa Gollaha, isla isaga ayaana go’aan ka gaari doona, hadii Gudoonka horkeeno," ayuu yiri Xildhibaan Dalxa oo kamid ah Gollaha Shacabka Baarlamaanka Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM