BFS oo u yeeray Wasiiro katirsan Xukuumadda Khayre [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoonka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u yeeray Labo Wasiir oo katirsan Xukuumadda Ra'iisul wasaare Khayre.

Qoraal kasoo baxay gudoonka BFS ayaa lagu sheegay in xarunta Gollaha Shacabka looga yeeray Wasiiradda amniga, Maxamed Abukar Islow iyo Wasiirka difaaca, Xasan Cali Maxamed [Amar-dambe].

Wasiiradda ayaa la filayaa in maalint Sabtida ee soo socota ay hortagi doonaan Baarlamaanka, iyagoo su'aallo laga waydiin doona xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan Muqdisho oo qaraxyo joogto ah ay ka dhacayaan.

Wararka ayaa sheegay in sidoo kale Gollaha Shacabka uu u yeeray Taliyeyaasha NISA iyo booliska dowladda, oo la filayo inay warbixin siiyaan Xildhibaanada oo ku aadan howlgallada socda iyo weeraradii ka dhacay caasimadda.

Lama oga in Fahad Yaasiin, oo ah ku xigeenka Taliyaha NISA inuu hortagi doono Gollaha Shacabka, maadaama mas'uulkan aan looga baran inuu kasoo muuqdo fagaarayaasha iyo inuu la hadlo warbaahinta.

Xildhibaanada mucaaradka ee ku jira BFS ayaa Mooshin ay ku dalbanayaan in amniga laga dhigi ajandaha kowaad ee Kulanka Gollaha shacabka u gudbiyay todobaadka Gudoonka.

Si kastaba, waxaa la filayaa in Xildhibaanada ay ka doodaan Sabtida soo aadan arrimaha amniga, hadii aan wax iska bedelin qorshaha haatan degsan, iydoo ay xusida mudan tahay in Xukuumadda Khayre ay galaangal ku leedahay shaqada BFS.

Qorshaha amniga Xukuumadda ayaa la sheegay inuu fashilmay kadib markii isku dayo badan iyo ciidamada kala duwan oo dhowr jeer lagu wareejiyay amniga Muqdisho mira-dhal noqon waayay, islamarkaana joojin kari la' qaraxyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM