Biden oo lagu dhaliilay in uu "dilaa" ku tilmaamay Putin

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa dhigiisa Ruushka, Vladimir Putin, wuxuu ku tilmaamay "dilaa". Balse, waxaa dhawaqaas aad u cambaareeyay hogaamiyaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Erdogan ayaa "wax aan la aqbali karin" ku qeexay hadalkaas, wuxuuna tibaaxay in aysan ahayn mid ku haboon in madaxwayne uu ka dhawaajiyo.

"Hadalka mudane Biden ma ahan mid ku haboon xafiis madaxwayne," ayuu Erdogan ka sheegay shir jaraa'id kadib Salaada Jimce ee shalay. Putin ayuu ku booriyey in uu ka bixiyo hadalkaas jawaab qurux oo ku haboon.

Ankara iyo Washington ayaa xulafo ku gaashaanbuurta NATO, balse Biden iyo Erdogan islama hadlin tan iyo doorashadii madaxwaynaha Mareykanka.

Putin ayaa Khamiistii ku jees jeesay hogaamiyaha Mareykanka, isaga oo hoos u dhigay hadalkaas wuxuuna u rajeeyay Biden, oo 78 jir ah, caafimaad wanaagsan.

"Waxaan sidaa u leeyahay waa bilaa macno, maahan kaftan," ayuu yiri Putin oo 68 jir ah isla markaana dalbadey wadahadalo uu la yeesho Joe Biden.

Biden ayaa sidoo kale waxaa la xasuustaa in dhamaadka 2019-kii uu "kelitaliye" ugu yeeray madaxweynaha waddanka Turkiga, Recep Tayib Erdogan.

In kasta oo ay ku kala aragti duwan yihiin colaadda ka oogan waddanka Suuriya, oo ay ku kala taageerayaan dhinacyada iska soo horjeeda, Erdogan wuxuu Putin ugu yeeray "saaxiib iyo isbaheysi istiraatiijiyad".

Putin wuxuu cadeeyay "in macno ay leedahay in wadahadal lagu ilaaliyo xiriirka Ruushka iyo Mareykank, halkii laga eegi lahaa danaha ganacsiga," wuxuuna doonayay inuu shaaciyo si looga caawiyo dejinta xiisada ka taagan Biden "hadaladiisii aadka u xumaa", ayuu yiri afhayeenkiisa Dmitry Peskov.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM