Bilaabista doorashada xubnaha Aqalka Hoose oo laga shiray

Image
Image
Hogaanka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isla qaatay sida muhiim u tahay dardargelinta shaqadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ka shiray dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11aad.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan, sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee waddanka.

"Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, halka ay habka fogaan aragga uga qeyb galeen madaxweyneyaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe," ayaa la raaciyey qoraalka.

Dhanka kale, hogaanka golaha wadatashiga qaranka ayaa shir ku saabsan Arrimaha Doorashada Soomaaliya, Amniga iyo horumarka dalka la yeeshay wafdi ay hogaaminaysay Ku-xigeenka Xoghaya guud ee Qaramada Midoobey Amina Jane Mohamed.

Madaxwayneyaasha dowladaha Puntland, Jubaland iyo HirShabelle ayaa shirka kaga qeybgalay aaladda fogaan aragga ee Zoom-ka maadaama aysan ku sugneyn magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

Marwo Aamina oo u dhalatay waddanka Nigeria ayaa sidoo kale waxay booqatay Villa Soomaaliya halkaasoo ay kula kulantey madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Socdaalka Aamina ayaa yimid xilli ay jirto xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Garowe Online wuxuu fahansan yahay in wadahadalada Farmaajo la furay Rooble uu ku marin-habaabinayey wafdiga. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM