Bilaabida doorashada xubnaha golaha shacabka oo la shiray

Image
Rooble ayaa xalay guddoomiyay shir ay habka fogaan aragga ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa xalay wuxuu guddoomiyay shir ay habka fogaan aragga ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Sida ay muujinayaan xogaha uu warsidaha Garowe Online la helayo illo wareedyo loo qaateen ah , is-aragan waxaa kaasoo lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, hogaamiyeyaasha ayaa ka arin-sadey "in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka dalka".

"Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal oo shirka qeyb ka ahaa ayaa madaxda la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha guddiga ee ku aaddan hab sami u socodka howlaha doorashooyinka," ayaa la raaciyey qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Wadaxaajoodkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu dib-u-dhac ku yimid shirkii lagu wadday in madaxda maamuladda ay ku yeeshaan magaala madaxda dowladda Puntland ee Garowe.

Warsidaha GO  ayaa fahansan in shirkaas uu caro xoogan ka muujiyey Rooble oo u arkay mid awood-siisay warqadii madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ku dhimay awoodihiisa.

Farmaajo iyo Rooble ayaa isku maan-dhaafay qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo noqdey mid xiisad siyaasadeed ka dhex-abuuray hogaanka dalka halisna geliyey doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM