Bixitaanka ciidanka Mareykaka oo la sharaxay

Image

WASHINGTON, US – Taliska ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa si rasmi ah wuxuu ugu dhaawaqay in askartooda ay ka hayaamayaan gudaha waddanka Soomaaliya.

Stephen Townsend, taliyaha AFRICOM oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa daaha ka rogay in bixitaankooda aysan saameyn ku yeelan doonin howgaladooda ka dhanka ah kooxaha argagixisadda ah.

Townsend ayaa intaas ku daray in ciidanka la saarayo ay baaqi kusii ahaan doonan gobolka balse ma xusin waddanka loo wareejinayo.

"Joogitaankeena Soomaaliya si weyn ayaa loo dhimi doonaa balse ciidamadda Mareykanka waxay sii joogayaan gobolka waxna iskama bedeli doono taageeradda aan siino xulufadeena," ayuu yiri.

Jeneraalka ayaa xusay "talaabadan kama dhigno in bixitaan iyo soo afjirada dedaaladeena balse waa wareegitaan sii wadi doona dedaalaeena Geeska Afrika".

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka oo 5-tii bishaan December ku dhawaaqdey bixitaanka askarta Ameerikaanka ah ee tiradoodu tahay 700 ayaa xustey in ay u wareei doonan Kenya iyo Jabuuti.

War-saxaafadeed ay soo saartey ayay ku caddeysay in talaabadan ay salka ku hayso amar uu bixiyey madaxweyne Donald Trump isla markaana uu fuli doono horaanta sanadka nagu soo fool leh ee sanadka 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM