​Booliiska Somalia oo maanta dabaal-dagaya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada Booliska dalka Somalia ayaa maanta u dabaaldegaya 73-sano sanadguuradii kasoo wareegatay aas-aaskooda.

Xaflado kala duwan, ayaa ka dhacaya qeybo kamid ah dalka, oo Muqdishu kamid tahay waxaana ciidanka Booliska ugu hambalyeeyay Munaasabadooda Madax sare oo uu ku jiro MD Xasan Sheekh.

Jen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay in askarta ay usoo dhabar-adaygeen marxalado kala duwan, oo Mushaar la'aan kamid yahay 20-kii sano ee laoso dhaafay.

"Ciidamada Booliska waa Saaxiibka kowaad ee Shacabka Soomalaiyeed, waxaana ay u taagan yihiin marwalbo inay difaacaan, kana hortagaan falalka ka dhanka ah amniga," Ayuu yiri Jen Xaamud.

Booliska Waddanka Somalia, ayaa la aas-aasay 20-kii Diseembar 1943-dii, kahor inta uusan dalka Madax-banaanadisa qaadan, wuxuuna howshiisa gabay markii la riday xukuumaddii Milatariga oo uu dillaacay dagaalkii sokeeye 1991.

Ciidamada Booliska oo hadda u muuqda mid dib usoo kabasho wada, ayaa waxaa taageero dhinacyada Tababarka, qalabka iyo Mushaarka ka helaan dowlado shisheeye oo Midowga Yurub kamid yihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM