Booliska Beledwayne oo xabsi u taxaabay saddex dhalinyaro

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Saddex dhalinyaro ah oo ay ku jirto haweenay ayaa lagu waramay in saacadihii lasoo dhaafay ay booliska magaaladda Beledwayne xabsi ugu taxabeen sababo aysan wali fahfaahin ka bixin.

Da'yartaas ayaa la sheegay in ay kamid ahaayeen shaqsiyaadka ugu caansan ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo tan iyo markii hogaan cusub loo doortay HirShabelle sanadkii hore ay xiisado xoogan ka taagnaayeen.

Sidda ay muujinayaan wararka laga helayo dadka degaanka, dhalinyaradaas ayaa lagu beegsaday in ay qeyb ka ahaayeen abaabulka shir-beeleed ka dhacay Beledwayne loogana soo horjeeda maamulka HirShabelle.

"Wadatashigaas uusan jeclaysan maamulka madaxweyne Cali Guudlaawe waxaa looga arrin-saday mustaqbalka gobolka Hiiraan iyo qaabka loosoo dooranayo Xildhibaanadda ku metalaya baarlamaanka soo aadan ee Soomaaliya loogana badbaadin lahaa afduub lagu sameeyo," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo magaciisa uga gaabsaday sababo la xiriira ammaanka.

Diidmadda ka dhanka ah doorashadda Cali Guudlaawe oo ku yimid rabitaanka Villa Soomaaliya waxaa horkacaya Jeneraal Xuud, oo ah qurba-joog kasoo horjeeda gobolka Hiiraan oo musharax madaxweyne ahaa.

Mr Xuud iyo taageereyaashiisa ayaa abaabulay isu-soo-baxyo dadwayne oo ka dhan ah hogaanka Guudlaawe, waxaana ay is-hortaageen socdaalo uu madaxweynaha ku tagi lahaa magaaladda Beledwayne.

Bulshadda gobolka Hiiraan gaar ahaan dhinaca taabacsan Xuud ayaa ka gabadoodsan in aysan sanadkan helin xilka madaxweynaha HirShabelle, waxayna xuseen in ay xasilooni jiri doonin illaa "xuquuqda ay ka helaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM