Booliska oo ka hadlay baqdinta amni ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, ayaa maanta oo Isniin ah ka hadlay baqdin amni oo maalmihii laoso dhaafay ka jirtay magaalada Muqdisho, eee Caasimadda dalka.

Taliyaha KMG ah ee Booliska General Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmahan shacabka walaac badan kuu abuuray, oo ah in baabuur qaraxyo ku xiran yihiin lasoo geliyay Muqdisho.

Jeneraalka ayaa ka digay qal-qal gelinta shacabka, isagoo ku baaqay in hay'adaha amniga lagu soo wargeliyay hadii ay muwaadiniinta arkaan wax ay ka shakiyeen, laakiin aan la abuurin xaaladda been ah.

"Qofka muwaadinka ah waxaa looga baahan yahay inuu Hay'adaha amniga kusoo wargeliyo waxa uu arkay, si looga hortago, balse yaanan dadka lagu qal-qal gelin, taasina waxay noqonaysaa dembi," ayuu yiri Taliyaha.

Wuxuu kaloo sheegay in shaqada Garoonka Diyaaradaha Aadan Abdulle ay tahay mid si habsami leh ku socota, islamarkaana aan jirin wax khatar ah ama weerarka Al Shabaab oo laga baqayo xilligan.

"Garoonka waa nabad, dadka saacad kasta ayay kasoo degaan, ma jirto Hal Diyaarad hawada lagama celin, waqti kasta ayay yimaadaan, ama ka duulaan, waxaana ku baaqayaa dadka inaan la baqdin gelin," ayuu hadalkiisa raaciyay Jeneraal Mukhtaar.

General Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa xusay in Muqdisho aysan ku jirin baabuur la sheegay in laga qabsaday AMISOM, oo hadda Al Shabaab doonayso inay ku weerarto Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Xalane, ee ku dhegan.

Dhanka kale, Taliyaha Booliska waxa uu iclaamiyay in Goobo kamid ah magaalada ay dhigi doonaan  Sanaadiiq dadka ay ku ridi doonaan talooyinkooda ku aadan sidii loo sugi lahaa amnka magaalada.

Hadalka Taliyaha Booliska ayaa yimid kadib markii war uu soo saarey Mareykanka lagu sheegay in ay Al Shabaab maleegayso weeraro qaraxyo ah, iyadoo adeegsanayso gaadiid ay horey uga qabsatey AMISOM.

Digniintan ayaa dhalisay cabsi xooggan, iyadoo AMISOM xaruntooda xalane mudo saddex maalmood la xiray, oo baaritaano uu ka dhex socday, waxaana sidoo kale arinta saameyn ku yeelatay Garoonka Diyaaradaha.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM