Booliska oo ka warbixiyey khasaaraha isqarxinta Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamadda booliska Soomaaliya ayaa wuxuu ka warbixiyey qarax ismiidaamin oo Sabtida maanta ah ka dhacay degmadda Dharkeenlay ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Afhayeenka bileyska, Sadiiq Doodishe oo warfidiyeenka kula hadlay xarunta taliska ciidamadda ee Muqdisho, ayaa daaha ka rogay in falkaas uu ku nafwaayey hal qof kuna dhaawacmeen 23 kale.

Sida laga soo xigtey Sadiiq Doodishe, naftii-haligaha ayaa damacsanaa in uu waxyeelo badan u geysto dad shacab ah "balse Ilaahey mahadii waxaa soo koobmay khasaaraha dhagarta uu maleegayey".

Mr Doodishe ayaa si muuqata wuxuu uga gaabsaday in uu carabaabo bartilmaameedka qaraxa kaasoo loo maleynayo kolanyo isugu jirtay milatari iyo boolis oo waqtigaas marayeysay meesha wax ka dhaceen.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in goobta wax ka dhaceen oo ku dhow isgoyska Ex-kontarool Afgooye ay ku dhow-dahay bar ay ciidamadda ammaanka ka sugaan amniga oo xiran.

"Dadka ugu badan ee wax ku noqdey dhacdada waa shacab isugu jiray qaar wadada marayey, kuwa ka tukaameysanayey suuq ku yaala halkaas iyo askar," ayuu yiri goobjooge magaciisa ka gaabsadey.

Weerarkan ayaa noqonaya dhacdadii ugu horeysay ee liddi ku ah ammaanka oo magaala madaxda ka dhaca tan iyo markii caasimada lagu saxiixay heshiiska waddanka u jiheeyay doorashooyin loo dhan-yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM