Booliska oo qabtay darawalka gaariga sababay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen darawalka gaarigii ku qarxay nawaaxiga Beerta Nabada iyo Huteel Muna ee Muqdisho.

Sakiya Xuseen, afhayeenka bileyska, ahna taliye ku xigeenka, ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku shaacisay in laba ruux kale oo la tuhunsan yahay ay xireen ciidanka.

Sidda ay goobjoogeyaal u sheegeen warsidaha Garowe Online, qaraxa oo ka dhashay gaari ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta iskaashatada gadiidka degmada Xamarwayne.

"Abaaro 7pm habeenimo ayaa baabuur noociisa yahay Toyota Noah ku qarxay meel barxad ah kuna taal dhabarka dambe ee iskaashatada gadiidka X/Weyne. Sidaanu xaqiijinay wax qasaaro naafeed ama dhaawac ma jiraan. Waxaa isla goobta lagu qabtay 2 qof lagu tuhmaaya in falka ku lug leyihin.Daqiiqado ka hor ayaa gacanta lagu soo dhigay dhagarqabihii waday baabuurka," ayay tiri.

Dhinaca kale, qarax labaad ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan xaafada Iskuul Jabuuti, wallow fahfaahinta waxyeelada aysan wali caddeyn.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyadda qaraxyadaan, oo imaanaya xili amaanka caasimadda si wayn sarre loogu qaaday laguna soo daadiyey ciidamo badan.

Qaraxyadaan ayaa kusoo beegmaya xili ay 50 maalmood kasoo wareegatay markii gobolka Banaadir looga dhawaaqay howlgal balaaran oo lagu xasilanayo caasimada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM

Maxay yihiin caqabadaha hortaagan in loo daabaco lacag cusub oo Soomaaliya leedahay?

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa saxaafadda u sheegay in guud ahaan mashruucu ku kacayo illaa $70 milyan.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 05:39AM