Booliska oo sharaxay sababta loo joojiyey shaqada hay'adda CIA-da

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa wuxuu ku dhawaaqay in la joojiyey adeegyadii ay bixin jirtay hay'adda dambi baarista ee CID-da ee xarunteedu tahay Muqdisho.

Sakiya Xuseen Axmed, Taliye ku xigeenka bileyska, oo aanan soo bandhigin sababta dhabta ah, ayaa shaacisay in talaabadan ay ka dambeysay ka gedaal cabasho uga timid shacabka.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda gaarka ah ee Twitter-ka ayaa waxay ku shaacisay in shaqo joojintan ay ku kooban tahay muddo saddex maalmood kadibna dib u howl-bilaabi doonto.

CID-da oo dhismaheeda uu ku yaalo agagaarka isgoyska KM ee magaalada caasimadda ah ayaa waxay bixisaa warqadda muujineysa in muwaadinku yahay mid aanan wax dambi ah gelin.

"Muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la'aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno," ayey tiri.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo fadeexad badan ay hareysay hay'addan oo ku aadan in shaqaalaha iyo mas'uuliyiinta ka howlgala ay lacago laaluush ah ka qaataan muwaadiniinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM