Ninkii 'dusiyey' Imtixaanka oo la xiray xili lagu raad-joogo shasiyaad kale

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska ayaa shaaciyey in ay soo xiriireen in shaqsi la tuhunsan yahay in uu kamid yahay dadkii bixiyey Imtixaanka dowladda ee la xaday.

Bashiir Cabdi Maxamed, taliyaha bileyska Soomaaliya, ayaa sheegay in baaritaanka uu socdo, isla markaana ay ku raad-joogaan dad kale oo ku eedeysan falkaasi.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay, ninka lasoo xiray ayaa waxaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Xasan Xersi, kaasi oo ah 29-sano jir.

Jamaaludiin, oo ka tirsanaa wasaarada waxbarashada ayaa kormeere ka ahaa degmada Balanbale ee maamulka Galmudug, halkaasi oo la sheegay in laga dusiyey Imtixaanka.

Hadalka kasoo yeeray taliyaha bileyska ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili dibadbaxyo xoogan ay ka dhaceen Muqdisho markii ay dowladdu baabi'isay Imtixaanka.

Imtixaanka oo soo bilowday Sabtidii ayaa waxaa la galay saddex maado, kuwaasi oo mid kasta oo kamida lagu soo faafiyey baraha bulshadda kahor inta aan suuq madow lagu iibin.

Wasaarada Waxbarashada Federaalka ayaa shaacisay in Imtixaan cusub la qaadi doono 27-da bishaan illaa 31-da, isla markaana mudadaasi gebi ahanaba Internet-ka hawada laga saari doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM