Booliska oo xog cusub ka bixiyay dilka Mas'uul katirsan maamulka G/Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in dad loo qab-qabtey dilka saddex qof oo Rayid ah, kuwaasoo saacadihii siyaabo kala duwan loogu toogtey xaafado ka tirsan magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Jenaraal Cabdullaahi Xasan Bariise, oo kamid ah saraakiisha sarre ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaadey in dadka la xirey baaritaan kadib cadaalada kasoo taagi doono.

Dilka saddexda qof ayuu tibaaxay in labo kamid ah ay fuliyeen ciidamada ka tirsan dowladda, inkasta oo uusan sheegin hadii xubnaha la xirey ay ku jiraan Askarta fal dambiyeedka geysatay.

Labo kamid ah dadka la dilay waxay kamid ahaayeen shaqaalaha dowladda - Dayax Iimaan Xasan oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa ushaqaynayey gobolka Banaadir, iyo Aamino Xasan Xuseen, oo sida la sheegay NISA ka tirsaneyd.

"Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in laga daba-tago marka uu fal dhaco, taasoo ciidamada ay ku amaanan yihiin. Waxaana rajaynayaa inaan cadaalada horkeeni doono kuwa dilka ka dambeeya," ayuu yiri Jenaraal Bariise, oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Amaanka caasimada ah ayaa maalmihii udambeeyay ahaa mid faraha kasoo baxayey xili ay dhaceen falal dil ah oo qorsheysan, waxaana Xilldhibaanada Gollaha Shacabka ay sheegeen in xukuumada aysan haynin qorshe cad oo ay wax uga qabaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM