Booliska Soomaaliya oo baaraya "dambiyo" loo haysto wasiir Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in Sabtidii madaarka Aadan Cadde ee Muqdisho ay ka qabteen Cabdirashiid Xasan Cabdinuur kaasoo ku magac dheer Janan.

Janan oo loo dhaadhiciyey xarunta dambi baarista ee CID-da markii laga qabtay garoonka isaga oo kusii jeeda Addis Ababa, caasimada dalka Itoobiya, ayaa waxa uu yahay Wasiirka Amniga Jubbaland.

Illo wareedyo ayaa warsidaha Garowe Online u sheegay in Janan uu ka yimid magaaladda Doolow ee gobolka Gedo, halkaasi oo uu shir kula soo lahaa saraakiil Itoobiyaan ah.

Taliye ku xigeenka bileyska oo war kooban kasoo saartay qabashada mas'uulkan ayaa sheegtay in loo haysto "dambiyo kala duwan", kuwaasi oo haatan ay baaritaano dheeraad ah ay ku wadaan.

"Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska," ayey tiri Sakiya Xuseen.

Sakiya ma aysan soo bandhigay waxay yihiin "dambiyadda" lagu soo oogay Janan, balse xukuumadda ayaa mar sii horeysay oo shalay ahayd ku tilmaamtay "dilal uu ka geystay gobolka Gedo, koonfurta dalka".

Hadalka laamaha ammaanka federaalka ayaa kusoo aadaya iyadda oo maamulka Jubaland uu xariga Janan ku sifeeyay "afduub baalmarsan sharciga" uuna dalbaday deysmo "shuruud la’aan ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM