Booliska Soomaaliya oo "qabtey" lacag ka timid dalka Kenya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Muqdishonku qabtey lacag cadadkeeda aan la shaacin taasoo ay wadday diyaarad ka timid dalka Kenya, sidda ay warisay warbaahinta ku hadasha afka dowlada oo intaas ku dartey in baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo lacagtan.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay in lacagtaas la doonayey in si sharci darro ah lagu soo geliyo waddanka.

"Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta Gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka, lana socotay diyaarad ka timi dalka Kenya. Baaritaan dheeri ah ayaa xilligan Ciidanku ku hayaan dhacdadan," ayuu yiri.

Dhanka kale, qoraal kasoo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa lagu fahfaahiyey qaabka loo qabtey lacagtaas, wallow aan lasoo bandhigin caddeymo dhaafsiisan sawirro laga soo qaadey lacagtas.

"Saaka abaare 09:00 AM, ayaa Ciidanka Saldhiga Boliiska Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ay gacanta ku soo dhigeen cadad lacag ah oo Dollar ah, taas oo ay siday diyaarad ka mid ah kuwa u kala goosha Muqdisho iyo Nayroobi," ayuu talisku yiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Lacagtaas oo la rabay in sifo sharci daro ah dalka lagu soo galsho, taas oo lid ku ah shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah".

"Cadadka lacagtaas iyo eedeysanihii waday, ayeey Ciidanka Boliisku gacanta ku hayaan, iyada oo baaris ku socoto cadaadana la horgeyn doono," ayaa qoraalka lagu daray. 

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Waan bogaadinaynaa Ciidanka Boliiska iyo Howlwadeenada kale ee ka howlgala Garoonka, sida ay u guteen waajibaadkooda shaqo. Mahadsanidiin".

Maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo ayaa horey loogu eedeeyay in uu olole doorasho ku galayo siyaasada arrimaha dibadda isla markaana ciwaankiisa ugu horeeya uu ka dhigtey waddanka deriska ah ee Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Daacish kala wareegay Saldhigyo Muhiim ah

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay uga cirib tiri lahaayeen kooxaha argagixisada gobolka Bari.

  • Soomaliya

    25-02-2025

  • 10:33AM

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM