Boqolaal Qaxooti ah oo dib loogu soo celiyay Somalia

Image
Image

DHADHAAB, Kenya- Hay'adda QM u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa dib ugu soo celisay Somalia boqolaal qaxooti ah, oo ku noolaa Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya.

Sarkaal katirsan Hay'adaha Maxalliga ah ee ka howlgala Dhadhaab ayaa u sheegay mid kamid ah warbaaghinta gudaha Somalia in Xeradaas saaka kasoo tageen  8 Bus iyo Hal Diyaarad oo ay la socdaan 680 qof oo Qaxooti ah, kuwaasoo kusoo wajahan magaalooyinka Muqdisho iyo Dhoobley.

Dadka soo laabanayo ayaa loo diyaariyay goobo ay si KMG ah u degaan, oo Hay'adda UNHCR wax ku siinayso, inta laga soo celinayo amniga gobollada ay kasoo jeedaan Qaxootigaas.

Dib usoo celinta Qaxootiga Dhadhaab ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan, oo saameyn ballaaran ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Xogyahaha Guud ee QM Antonio Gutters oo maanta soo gaarey magaalada Muqdishu ayaa ku baaqay in Gurmad deg deg ah lala soo gaaro 5.5 Million oo Soomaali ah abaartu saamaysay.

Antonio Guterres ayaa ka dalbaday caalamka dhaqaalo gaarayo $825 Million oo Dollar si looga hortago macluul ka dhalata abaarta, taasi oo khatar gelin karta nolosho malaayiin shacab ah oo hadda la il-daran gaajo iyo nafaqo darro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM