Bosaso: askari dad rayid ah rasaas ku furay

Image

May 27, 2015 (GO)- Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacmey rasaas caawa salaaddii cishaha kaddib ka dhacdey agagaarka Masjid Faadima ee magaalada Bosaso gaar ahaan halka loo yaqaan Kadhadda.

Goob jooge codsadey inaan magaciisa la shaacin ayaa Garowe Online u sheegay in rasaasta uu furay askari ka tirsan ciidamo boolis ah oo halkaas habeenkii ka sameysta bar-kantarool oo lagu baaroo gaadiidka.

Askariga ayaa ka shekiyey nin kamid ah dadkii kasoo baxay masjidka wuxuuna ku amray inuu istaago, balse ninka laga shekiyey oo magaciisa lagu sheegay Gurxan ayaa ka dhega adaygey inuu istaago, dabeedna askariga ayaa xabbad furey.

Rasaasta waxaa ku dhaawacmey saddex qof oo midkood yahay qofkii diidey inuu joogsado iyo labo nin oo kale, kuwasoo fadhiyey maqaayad ku taalla kasoo-hor-jeedka goobta falku ka dhacay.

Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa saacado kadib markii la beddeley maamulkii hore ee gobolka Bari iyo degmada Bosaso, kuwaasoo lagu soo eedeeyey waxqbad la'aan iyo inay ka gaabiyeen sugidda ammaanka magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM