Britain oo caddeysay mowqifkeeda doorashada Jubbaland

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Dowladda Ingiriiska oo caddeysay mowqifkeeda cod-bixinta maamulka Kismaayo ayaa shaacisay in ay dooneyso in doorashada Jubbaland ay ku qabsoonto farogelin la’aan.

Ben Fender, safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya, kaasi oo Sabtidii tegay magaalada Kismaayo, ayaa la kulmay madaxweyne Axmed Madoobe.

"Doorashada soo socota ee Jubbaland waxaanu dooneynaa in ay ku dhacdo si waafaqsan nidaamka dimoqraadiyadda," ayuu yiri.

Mr Fender oo soo qaaday is-marin-waaga dowlada iyo maamulada qaarkood ayaa rajo ka muujiyay in mustaqbalka dhow xal laga gaaro.

"Madaxweynaha waxaan kaloo kawada hadalnay caqabadaha siyaasadeed ee jira, kuwaasi oo xalkooda aan qayb ka nahay," ayuu daba dhigay.

Madaxtooyada Soomaaliya, oo taageereysay qaar kamida murashaxiinta, ayaa xusul-duub ugu jirta sidii ay guuldaro dusha ugu saarin lahayd Axmed Madoobe.

Dhowr illo wareed ayaa xaqiijiyey in Axmed Madoobe uu ku war-geliyey danjiraha iyo xukuumada ay mas'uuliyada qaadeyso dhib kasta oo Kismaayo ka dhaca.

Doorashada Jubbaland ayaa loo balansan yahay in la qabto bisha Agoosto ee sanadkan xili ay dib u dhacday soo xulista Xildhibaanada oo la filayo in dhowaan laga bilaabo degaanada maamulkaasi.

Dib u dhaca ayaa waxaa keenay markii qaar kamida tartameyaasha xilka madaxweynaha iyo Odayaasha ay kasoo horjeesteen qodob xeerinaya in Guddiga Doorashada uu kala saarayo Xildhibaanada beelaha soo xushaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay yihiin caqabadaha hortaagan in loo daabaco lacag cusub oo Soomaaliya leedahay?

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa saxaafadda u sheegay in guud ahaan mashruucu ku kacayo illaa $70 milyan.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 05:39AM

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM