Britain oo ka digtay qorshe Farmaajo lagu tuhunsan yahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Ingiriiska ayaa si cad waxay u shaacisay in aysan marnaba aqbali doonin muddo kordhin ama doorasho hal dhinac ah oo Soomaaliya laga qabto.

James Duddridge, wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa ku nuux-nuux-saday in deg-deg looga heshiiyo is-mari-waaga jira.

Sidda ku xusan bayaanka oo lagu daabacay barta internet-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Britain, hogaamiyeyaasha Soomaalida waa in ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka.

"Boqortooyada Midowday ee UK waxay hoosta ka xariiqeysaa baahida degdegga ah ee loo qabo in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay isu yimaadaan oo ay ka gaaraan heshiis guud oo ku saabsan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka, iyadoo la raacayo qaabkii lagu heshiiyey 17-kii Sebtember iyo talooyinkii Guddiga Farsamada ee 16-kii Febraayo," ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Boqortooyada Midowday (UK) ma taageeri doonto ficilada u horseedaya geedi socodka doorashooyinka hal dhinac ah ama isbarbar socda, ama si toos ah u horseedaya muddo kordhin".

"Anagoo ka duuleyna danaha dadka Soomaaliyeed, iyo danaha wadajirka ah ee aan ka leenahay amniga, horumarka iyo koritaanka Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay ka gudbaan ismari waaga jira, oo ay galaan wadahadallo wax ku ool ah oo ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashooyin loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo," ayaa lagu soo xiray.

Dhawaqa Ingiriiska ayaa xoojinaya diidmadda Beesha Caalamka ka muujisay qorshe lagu tuhunsan yahay Farmaajo oo ah kororsi haddii ay fashilmaan wadaxaajoodyadda la diyaarinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Burundi oo Ka Baxaya Soomaaliya Kadib Khilaaf ka dhashay AUSSOM

Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerar saddexaad uu ka dhacay Beero Yabaal oo ku yaalla waqooyi-galbeed Aboorey.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 03:19PM

Mareykanka oo ka qeyb-galay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin AFRICOM.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 09:47AM