Britain oo soo saartey baaq saameynaya Soomaaliya

Image

LONDON, UK – Xoghayaha Arimaha Dibada ee Ingiriiska, Dominic Raab, ayaa sheegay inuu ka codsady Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, kadib kulan ay Arbacada maanta ah yeesheen, inay soo saaraan qaraar ku baaqaya in la joojiyo dagaalada ka socda dalal ay Soomaaliya jirto si loo gaarsiiyo talaalka Covid-19.

Ingiriiska ayaa haya jagada madaxweynenimo ee Golaha Ammaanka bishaan; Raab wuxuu gudoomiyaa kulan heer sare ah oo ay yeelato hay'adda UN-ka ugu awooda badan kaasoo lagu faaqidi doono dhibaatada wadamadda qaar ka haysata in ay helaan talaalka safmareenka.
Diblomaasiyiin ayaa sheegay in 11 wasiir arrimo dibadeed la filayo inay hadlaan, oo uu ku jiro xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

Britain waxay tibaaxdey in ka badan 160 milyan oo qof ay qatar ugu jiraan in aysan helin talaalka Coronavirus sababtoo ah waxay ku nool yihiin dalal ay ragaadiyeen dagaalada iyo xasilooni darada, waxayna ku kala nool yihiin Yemen, Syria, South Sudan, Somalia iyo Ethiopia.

"In la caalamiyeyeeyo talaalka waxay muhiim u tahay in aan ka adkaano safmareenka Coronavirus," ayuu Raab yiri kahor kulanka.

Wuxuu ku daray hadalkiisa: "Taasi waa sababta U.K. ay ugu baaqeyso xabbad-joojinta tallaalka si loogu oggolaado tallaallada COVID-19 in ay gaaraan dadka ku nool aagagga iska-hor-imaadka iyo dadaal ballaaran oo caalami ah oo lagu bixinayo gaarsiinta si daahfuran".

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo warbixin ka jeedin doona kulanka golaha Arbacada maanta ah, ayaa si-isdaba-joog ah wuxuu ugu baaqay in talaalka uu qof kasta heli karo.

Fayraska Corona wuxuu ku dhacay in ka badan 109 milyan oo qof wuxuuna dilay ugu yaraan 2.4 milyan oo ka mid ah. Laakiin dalal badan ayaanan wali bilaabin barnaamijyada talaalka oo xitaa wadamada hodanka waxaa soo-food-saartay gabaabsi dhanka qiyaasta talaalka ah, iyadoo shirkadaha wax soo saara ay ku dadaalayaan inay sare u qaadaan wax soo saarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM