Britain: Shaqsi ka tegay Soomaaliya oo xukun lagu riday

Image

LONDON, UK – Maxkamad ku taala magaalada Birmingham ee waddanka Ingiriiska ayaa £1,000 [kun] lacagta UK ah una dhiganta $1,400 doolar waxay ku xukuntay Bishaar Fidin, oo ah 34-jir kasoo laabtey dalka Soomaaliya.

Sidda ay warisay majaladda Metro, Mr Fidin ayaa lagu helay dambi ah in uu jebiyey shuruucda xakameynta safmareenka Covid-19 gaar ahaan kuwa xeerinaya in qofka uu is-karantiilo marka socdaal dibada ka yimaado.

Jariiradda ayaa intaas ku dartay in Fidin uu booqdey guriga walaashii 23-kii September waxyar kadib markii uu Soomaaliya ka yimid. Xukunka ganaaxa ah wuxuu dhacay Khamiista todobaadkii aynu kasoo gudubnay.

"Soomaaliya lama soo saarin shuruuc lagu xakameynayo Coronavirus waqtigii qaboobaha. Xilligaa fal-dambiyeedka uu ku kacay [Fidin], maalmaha korantiilka fasaxa waxay ahaayeen 14 maalmood," ayay warbixintu xustey.

Fidin ayaa, sidda ku cad warbixinta, wuxuu xirtay in uu u hogaan-sami waayey Xeerka Badqabka Caafimaad ee Coronavirus gaar ahaan socdaalada caalamiga ah kaasoo dowladda Ingiriiska ay soo rogtay sanadkii hore 2020-kii.

Britain oo kamid ah wadamada kiisaska badan ee Covid-19 diiwaan-geliyay ayaa xudun u ah nooca cusub ee fayruska ee soo laba kacleeyay.

Tani ayaa dhabaha u xaartey in wadamo badan ay joojiyaan duulimaadyada kaga yimaada boqortooyadda Ingiriiska. Balse, Soomaaliya oo nidaamka caafimaadka uu jilicsan yahay kamid maahan wadamada xayiraadda soo rogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM