C/llaahi Maxamed Nuur oo loo magacaabay wasiirka amniga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha. Wuxuu bedelayaa Xasan Xundubey Jimcaale.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay," ayuu yiri xafiiska Rooble.

Sida laga soo xigtay wareegtada, Rooble ayaa talaabadan qaadey "isaga oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS".

Waajibaadka hortaala xukuumada xilgaarsiinta waa in waddanka ay ka qabato doorashooyinka heer federaal. Ammaanka waa mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala coddeyntan isha lagu hayo.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa xubnaha Golaha Shacabka. Sidoo kale, wuxuu mucaarad weyn ku ahaa dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ee waqtigeedu dhamaadey.

Nuur oo dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ka ahaa wasiiru-dowlaha wasaaradda maaliyada ayay u badan tahay in uu mar kale u tartamo xubinimada Aqalka Hoose. Degaan doorashadiisu waa Jowhar.

Sidoo kale, waa mulkiilaha Hotel-ka ku yaala xeebta Liido ee Muqdisho. Wuxuu caan ku yahay kalmada "30-jir 30 milyan haysta" taasoo uu ku sheegay wareysi uu siiyey Telefishinka maxaliga ah ee Universal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM