Cabdi Qaydiid oo beeniyay wararka laga faafiyey
MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyaha guddiga dastuurka ee labada Aqal baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Senator Cabdi Xasan Cawaale [Qaydiid], ayaa gaashaanka u daruuray warar laga faafiyey.
Sharci-dejiyaha oo degaan doorashadiisu tahay Galmudug sheegay in uu si kulul u cambaareynayo wararkaas lagu faafiyey baraha bulshadda.
"Waan cambaareynayaan warbaahinta wararkaas daabacdey ee aniga la iga xiganayo oo wax looga sheegayo laba kamid ah dowlad goboleedyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee kala ah Puntland iyo Jubaland. Waxaan kaloo cambaareynayaan ujeedko kasta iyo cid kasta oo faafisay warkaas," ayuu ku yiri shir jaraa'id oo Senator-ka uu ku qabtay hoygiisa Muqdisho.
Warbaahinta iyo shaqsiyaadka baraha bulshadda wax ku qora ayuu cod dheer kula taliyey in ay ka fogaadaan warbixinada "dadka kala geynaya".
"Sidaas daraadeed, waxaa rabaa in aan warbaahinta iyo bahda wax qorta in Ummadda Soomaaliyeed iyadda oo xilligan lagu jiro looga daro, war xumo look ala geeyo wax aan jirin la sheego nasiib darro weyn bay aad u tahay. Waxaana kula talin lahaa aniga oo ah oday Soomaaliyeed in la joojiyo waxyaabaha hurinaya kala fogaanta," ayuu hoosta ka xariiqay Senator Cabdi Qaydiid.
Warka laga soo xigtay Qaydiid ee uu beeniyay ayaa ah: "Labada maamul ee raba in Muqdisho dagaal ka dhaco dagaal ka dhici mayo Muqdisho doorashaduna waqtigi loo qorsheeyey ayey dhacaysaa ,waddankana waxaa madaxweyne ka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo".
Mr Qaydiid ayaa dhowaan kasoo laabtey caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb halkaas oo uu ku fashilmay wadahadaladii maamuladda iyo dowladda Farmaajo ee muddo xileedkeeda uu dhamaadey.
"Maadaama muddo xileedka dhamaadey waxaan aaminsanay in dadka Soomaaliyeed ay dhistaan dowlad ay ku mideysan yihiin oo loo dhan yahay in ay dhistaan saas ayaa Soomaaliya macno ugu jiraa," ayuu soo xiray hadalka.
GAROWE ONLINE