Cabdi Saciid: Waa in hay'adaha DF laga talageliyo dib u habeynta amniga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - La-taliyaha amaanka qaranka Madaxweyne Farmaajo, Cabdi Saciid Cali, ayaa shardi ka dhigay in lala tashado, lagana qeybgeliyo hay'adaha DF dib u habeynta amniga, oo dalal shisheeye ay ka shaqeynayaan.

Qoraal uu soo dhiga bartiisa Twitter-ka xalay ayuu ku yiri: "Waxaan ka mahadcelinayaa taageeradda joogtada ah ee saaxiibadda beesha caalamka, oo aan rumeysanahay inay kaalin ka qaadaynaysa horey u socoshada".

Wuxuu raaciyey hadalkiisa: "Hay'adaha Soomaaliya waa in laga talo-geliyaa, si muuqatana ugu lug lahaadaan dejinta iyo hirgelinta dib u habeynta amniga".

Hadalkan ayuu Cabdi Saciid soo saarey daqiiqado kadib markii qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka Safaaradda Mareykanka lagu sheegay in musuq-maasuqa iyo nin jeclaysiga ka jira Soomaaliya ay caqabad ku yihiin dib u hebynta Soomaaliya, sidoo kalena ay awood siinayso cadowga dalka.

Dowladda Mareykanka oo ah deeq-siiyaha ugu weyn Soomaaliya ayaa waxay shaacisay inay taageero la garab taagan tahay hagaajinta hay'adaha amniga, si dalka iyo dadkuba u helaan mustaqbal ifaya.

Safaaradda Mareykanka ayaa mudooyinkii dambe soo saareysay qoraallo isagu jira baqdin-gelin iyo guubaabo, si ay culeyska u saartay in dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalka ka jira ay hogaamiyeyaasha xal uga gaaraan.

Washington ayaa kamida damaanad-qaadeyaasha in ay dhaqan-gelayaan go'aanada siyaasadeed ee kasoo baxa wadaxaajoodka Khamiista u furmaya madaxda dowlada federaalka ah iyo maamulada kaasoo ka qabsoomaya Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM